allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Dagaal xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal culus uu xalay ka dhacay, kaasoo u dhaxeeyay ciidanka dowladda, AMISOM iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ku bilowday weerar madaafiic oo Al-Shabaab ku soo qaadeen saldhiga Ciidamada AMISOM, waxaana kaddib xigay dagaal fool ka fool ahaa, sida dadka deegaanka sheegeen.

Hubka la isku adeegsanayay ayaa laga maqlayay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana ciidanka AMISOM ay ridayeen madaafiicda ka dhaca qoriga Taangiga.

Dadka deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u soo galeen deegaanka, ka hor inta aanu dagaalka bilaabin.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana saaka xaafado ka tirsan Ceelasha Biyaha ka socda howl gallo baaritaan ay wadaan.

Inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro qaraxyo iyo mid toos ah, waxaana aaggaas fariisimo ku leh Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 24 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented