allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

GAAS “Ma jirto Cid noo buuxinaysa booska ay noo jogaan Imaraadku”Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka  Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas oo booqday xeradda Ciidanka Badda Puntland ee ay gacanta ku hayso dowladda Imaraadku ayaa ka hadlay xaaladda dowladda imaraadka ee ku adan in ay ka guureen xeradda Ciidanka ee qow oo la sheegay in ay ka guureen ayna joojiyeen taakulayntii arrimaha ciidanka badda.

Madaxweyne Gaas waa uu beeniyey arinta guuritaanka sarakiisha ka joogay dowladda Imaraadka waxaana uu yiri ” waxaan idiin sheegaya in aan dowladda Imaraadka ka codsanay in ay sii wadaan tageeradda iyo tababaridda ciidankeena badda iyadoo lasii xoojinayo gacan siinta mashruuca,waxaad lasocotaan in dowladda imaraadku Puntland ka wadaan mashariic dhaqaale badan galayo,majirto cid noo badelaysa booska ay noo jogaan imaraadku,mana jirto cid noola siman”.Madaxweyne Gaas.

Madaxweynuhu waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmamay in wararka sheegaya in dowladda imaraadku ka guurtay Puntland ayna kala baxday sarakiil tababar u joogay xeradda Qow ee ciidanka badda Puntland
,wararka arinta la xiriira ee Newsomali heshay waxaa Jira shirar iyo kulamo arinta la xiriirta oo looga wada hadlay xal u helida arrimaha la xiriira guuritaanka imaraatka ee Boosaaso,taas ayaana keentay in isfaham laga gaaro sii joogitaanka imaraadka ee Puntland.

 

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 16 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented