allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

YARIISOW oo Maamulka Canshuuraha Gobolka Banaadir ku soo daray Shirkad ay leedahay Xaaskii Xasan Sheekh Maxamud

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa shirkad saamigeeda ugu badan ay leedahay mid ka mid ah xaasaskii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ku soo daray howlaha Gobolka Baanadir.
Madaxii Shirkadda Intifaac Faaruq Cali oo xilligii Xasan Sheekh Shirkaddiisa qaabilsanayd qaadista Canshuuraha Guriyaha ayaa isla toddobaadkii hore ku soo daray howlaha Canshuur qaadista isla shirkadda Intifaac howshaas loo xil saaray.

Shirkadda oo inta badan saamigeeda ay leedahay xaaska Madaxweynihii hore soomaaliya ayaa xilligii Maamulka Sh Yuusuf Jimcaale qaadaysay canshuuraha Guriyaha ayaa howlaheeda la hakiyay xilligii Taabid Madaxda ka ahaa Gobolka hase yeeshe Yariisow oo Lataliye, afhayeen iyo Shaqaalaha Warfaafinta Madaxtooyada soo noqday xilligii Ninkeeda madaxweynaha ayaa haatan waxaa uu guday abaalkii waqtigaas loo galay.

Yariisow Duqa Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuusan cidna kala tashan arrintan oo kuxigeenadiisa keliya ay ka war heleen markii shirkaddan ka soo howlgashay xafiiska.

Horay ayaa dowladda soomaaliya u joojisay dhowr shirkad oo xilligii Xasan Sheekh qandaraaso laga siiyay Gobolka Banaadir oo qaarkood lagu tuhunsanaa in qoyska Xasan Sheekh raad ku lahaayan.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 15 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented