Maalin ka hor shirka Carabta Sacuudiga ka furmaya Dowladda Qadar oo fariin soo gaarsiisay maanta Madaxweyne Farmaajo

0
1
SAWIRKAN WAA KULAN HORE

Dowladda Qadar ayaa Saraakiil diblomaasiyadeed u soo dirtay maanta oo Jimco ah Magaalada Muqdisho kuwaas oo fariin ka wada boqorka Qadar taas oo la farayo Madaxweyne Farmaajo inuu la tago shirka dalalka Carabta ka dhici doona Sacuudiga.

SAWIRKAN WAA KULAN HORE

Socdaalka Masuulkan sare ee dhanka Diplomaasiyadda uu ku imaaday magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmeesa xilli maalinta beri ah uu Dalka Sucuudiga uu aadi doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dowladdaha Carbeed gaar ahaan kuwa gacanka ayaa loolan siyaasadeed ugu jira saamayn ay ku yeesheen Soomaaliya.

Qadar waxay saameyn ku leedahay siyaasadda Madaxweyne Farmaajo maadama uu Fahad Yaasiin oo xiriir adag la leh Qadar ka yahay Agaasime Villa Soomaaliya.