KHEYRE oo Safiirka Itoobiya u adeegsaday is casilaadii Jawaari,Maxaa ka dhacay Guriga Kheyre Saacado ka hor inta uusan is casilin Jawaari?Warbixin

0
4

Newsomali oo maalmahii la soo dhaafay ku jiray baaritaan rasmiga ah iyo xaqiiqda ka danbeysa is casilaada Guddoomiyihii hore BJFS Maxamed Cisman Jawaari ayaan waxa aan ku ogaanay xogta rasmiga ah ee ka danbeysay is casilaadiisa.

Gud. Jawaari aya shir ay albaabada u xiran yihiin kula yeeshay Madaxweyne Farmaajo hoygiisa Villa Soomaaliya duhurnimadii maalintii Axada bisha April ay ahayd 8, 2018. Kulankaas aya ku soo dhammaaday is afgaranwaa iyado Madaxweyne Farmaajo markii seddexaad uu ku adkeystay in uu Gud. Jawari is casilo. Jawaari aya ka biyo diiday codsigaas, waxaana intii ay fadhiyeen kulanka Gud. K/X Koowaan Cabdinur Muudey uu diray farriin qoraal uu ugu baaqayo xildhibaanada in Maalinta Isniinta ah oo ay bisha tahay 9 uu jiro kalfadhi Baarlamaanka, ajandahana uu yahay mooshinka Gud. Jawaari.
Waxaa saacad kaddib diray farriin qoraal sidoo kale Gud. Jawaari isago ugu baaqay Xildhibaanada in uu jiro kalfadhi Baarlamaan, ajandahana uu yahay xuduuda iyo darbiga ay Kenya ka goosaneyso magaalada Belet Xawo oo aan haddaba cidi ka warqabin.

Haddaba Akhristow maxaa dhacay oo aadan ogeyn.?

Galabnimadii Axadda 9 Aprile 5:30 PM aya waxa shir aay albaabada u xiran yahay ku yeeshay hoyga RW Kheyre, Gud. KX labaad Mahad Cawad, Safiirka Itoobiya Jamaludiin iyo Madaxa Sirdoonka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya, iyo RW Xasan Cali Kheyre. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhow Mahad Cawad, waxa loo sheegay in ay tahay wax aan laga aqabali karin in Jawaari uu sii joogo siina hayo kursiga Guddoomiyaha, waxa sidoo kale loo sheegay in Itoobiya ay il gaar ah ku heyso Gud. Jawaari iyo xiriirka hoose uu la sameeyay Turkida. Mahad Cawad aya farriin loogu faray oo ah in uu iscasilo shuruud la’aan haddii ku adkeysto in anu is casilina uu iclaamay dagaal ka dhan ah Itoobiya. Waayo Itoobiya waxay aad u rabataa in laga noqdo heshiiska uu Barlamanka tuuray oo dib inta loogu celiyo barlamaanka ay soo ogolaadaan heshiiska. Sidoo kale waxaa farriin ta la mid ah loo diray Farmajo oo loo sheegay inuusan saxeexin tuurista heshiiska ee ay khasab ku tahay inuu Barlamanka u celyo marka Jawaari uu baxo.

Guddoomiye Jawaari aya habeenkas oo dhan hoygiisa kula shiraayay xildhibaanada taageersan iyago qorsheynayay sidii aay isugu diyaarin lahaayeen kalfadhiyada is diidan ee labada garab ay iclaamiyeen. Mahad Cawad aya sugay Gud. Jawaari ilaa xildhibaankii ugu danbeeyay uu ka tagay hoyga Guddoomiye Jawaari.

Mahad Cawad iyo Jawaari ayaa yeeshay shir qaatay saacad iyo shan iyo toban daqiiqo, wuxuuna Mahad Cawad u gudbiyay fariintii uu uga siday Safiirka Itoobiya ee ahayd in uu iscasilo shuruud la’aan. Guddoomiye Jawaari aya damcay in uu is adkeyo balse Mahad Cawad aya ku qanciyay in uu xilka isaga dago, waayo Itoobiya lama dagaali karno.

Waxa ugu danbeyntii Jawaari uu qaatay go’aankii wuxuuna Mahad Cawad wargeliyay Safiirka Itoobiya, kaasoo amar ku siiyay in ay labadooda u tagaan Madaxweyne Farmajo una sheegaan go’aanka uu qaatay Gud. Jawaari.

Guddoomiye Jawaari aya waxa laga dhadhansan kara qudbadaha iyo wareysiyada uu bixiyay in awood ka weyn aay ku qasabtay in uu is casilo.

Jawaari “Waxaan dareemay isu awood sheegasho, mana rabo in dartay uu dhiig Soomaaliyeed u daato”