RA’IISAL WASAARE KHEYRE oo Muudey ku amray in Khudbada Jawaari keeno iyadoo qoran si isha loo mariyo,Waa sababta kulankii maanta baajiyay

0
5

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sabab u noqday baaqashadii kulankii maanta yeelan lahaa Baarlamaanka kadib markii uu Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Muudey lagu amray inuu xafiiska Kheyre keeno khudbadii uu jeedin lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ee is casilay Maxamed Sh Cusmaan Jawaari.

Kheyre ayaa durba bilaabay inuu maamulo wax alla wixii ka baxaya fadhiyada Baarlamaanka, wuxuuna ku wargeliyay Muudey in la keeno Khudbada Jawaari oo dhameystiran si uu isha u mariyo.

Sida uu qorsheynayo Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo ajandaha Baarlamaanka waxaa uu noqon doona mid iyaga soo diyaariya marka la keeno Guddoomiye Baarlamaan oo iyaga leeyihiin.

Taas waxay halis gelinaysaa Xildhibaanada isku deeya inay mooshin ka keenaan Xukuumadda oo si hordhac ah loo helo liiska magacyadooda taas oo sharciga dhigaya inaan la bixin karin ka hor fadhiga guud, haddii ay dhacdana waxaa halis galaya amniga Xildhibaanada.

Jawaari ayaa isna xalay diiday in khudbadiisa si hordhac ah loogu gudbiyo Ra’iisal Wasaare Kheye.

kooxihii u kala dab qaadayay labada dhinaca ayaa markii dambe arrinta ku xaliyay in Jawaari Khamiista Baarlamaanka yimaado laakiin khudbadiisa lala socon doono taas oo ah hanjabaad iyo faragelin toos ah oo Xukuumadda Kheyre kula tacaalaysa cid alla ciddii ay u aragto inay siyaasadeeda ka soo horjeedo