allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DHAGEYSO:Taliye Gorod oo ka hadlay sababta keentay inuu qoro Waraaq uu ku dalbaday in la fasaxo lacagtii Imaaraadka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), ayaa markii ugu horraysay ka hadlay warqad uu u qoray maalintii Axaddii taasi oo ku socotay maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan oo uu ku codsanayey in Imaaraadka in loo oggolaado inay la soo baxaan lacago ay la soo degayeen.

Sida warqadda ay ku qornayd, Gorod, waxa uu ku sheegay inay uga imanaysay magaalada Boosaaso.

Lacagtaasi markii dambe waxa la wareegay dawladdda Soomaaliya iyadoo saraakiishu ay sheegeen in safiirka Imaaraadku diiday in la baaro boorsooyinka ay ku jirtay lacagta.

Haddaba, Haaruun Macruuf ayaa warqaaddaas iyo xaaladda ciidanka ay tababareen Imaaraadku ka waraystay taliyaha ciidanka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 11 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented