allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

FARMAAJO, KHEYRE IYO SHARIIF XASAN oo ku dagaalami doona kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka, Magacyada shaqsiyaadka ay kala wataan iyo ujeedooyinka laga doonaya, Warbixin

TEAMKII Jawaari in la rido ka shaqeynayay durba waxay ku kala qeybsameen afhayeenka cusub Baarlamaanka qofkii loo dooran lahaa , Shariif Xasan iyo Farmaajo hadda ayuu u bilawday dagaal.
Shariif Xasan oo 40 Xildhibaan ku leh Baarlamaanka waxaa uu durba bilaabay ololaha shaqsiga uu doonayo inuu ka dhigo Guddoomiye Baarlamaan.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Aadan ayaa Musharaxa Gudoomiyaha Golaha Shacabka u wata Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen (Badni) oo udhashay Digil & Mirifle jufada , Dabare isaga oo dhankale u balan qaaday in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka dhigi doono shaqsiyaad kale.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Fahad Yaasin ayaa dhankooda wata sedax Musharax una taagan qabashada Gudoomiyaha Baarlamaanka waxayna kala yahiin Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur oo haatan ah Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha una dhashay Digil & Mirifle , ninka labaad waa Wasiirka Gaashandhiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman una dhashay Digil & Mirifle j , Luwaay sidoo kalane katirsan kooxda Alla Sheekh ee Madaxweynahii Hore Dowladda KMG Sheekh Shariif Halka shaqsiga sedaxaad u yahay Maxamuud Macalin Yaxye oo katirsan Kooxda Damjadiid balse horey loogu diiday Wasiirka Awqaafta & Arrimaha diinta.

Madaxtooyada ayaa Maxamed Mursal u aragta inuu yahay nin dhega nuqul oo danaheeda fulin kara.

Su’aasha meesha taagan waxay tahay Kheyre ma wuxuu ku aragti noqon doona Teamka Madaxtooyada mise waxaa uu raaci doona Seedigiisa Shariif Xasan.

Shariif Maxamed Cabdalla oo una dhashay Digil & Mirifle , Asharaaf oo kamid ah kooxda AL Islaax horayna isku xisbi u ahaayeen balse isku qabteen doorashadii 2012 oo aay soo kala sharaxdeen Cabdiraxman Baadiyoow iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu danbeyn xiligaas noqday Madaxweynahii haatan lagu badalay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Shariif Xasan ayaa u arka cid kasta oo Madaxtooyada keenta in isaga halis ku noqon doonto doorashadiisa dhamaadka sanadkan, waxaana marna laga fursan doonin in Madaxweyne Farmaajo ka taqalusi doono Shariifka maadama weli taagan tahay qalalaasihii Siyaasadeed ee Farmaajo xafiiska looga saaray markii uu ahaa Ra’iisal Wasaaraha.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 9 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented