allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

XILDHIBAANADII taageersanaa Kheyre oo kala jabay markii ay ogaadan qaarkood in Madaxtooyada ay wadato Wasiirka Gaashandhigga

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xalay mid ka mid ah hotelada Magaalada Muqdisho ku shireen qaar ka mid ah xildhibaanada Digil iyo Mirifle kuwaas oo markii hore qeyb ka ahaa ololaha ka dhanka ah Jawaari.

Xildhibaanadan oo uu ka mid yahay Sheekh Aadan Madoobe ayaa war ka war heleen in ballantii looga baxay taas oo Kheyre iyo Villada ba mid walba u sheegtay in Guddoomiyaha Baarlamaanka laga dhigayo Aadan Madoobe hase yeeshe Madaxtooyada ama Teamka Farmaajo ayaa waxay wateen Wasiirka Gaashandhigga Maxamed Mursal.

Markii ay ogaadan Xildhibaanadaas qorshahaas hoose ee Madaxtooyada ayaa waxay waceen Shariif Xasan kuna wargeliyan xaaladda.

Shariif Xasan qof kale ayuu watay halka Aadan Madoobe ballan qaad ka haystay Kheyre.

Si kastaba Xildhibaanadan ka soo horjeeday Jawaari ayaa mid walba ballan qaad jago mid lacageed loo sameeyay tan iyo markii ay bilaabeen ololaha ka dhanka ah Jawaari.

Haatanse waxaa muuqata inay kala jabayaan oo kala daadanayaan.

Xubnaha ka mid ah Xildhibaanadan ayaa bilaabay durba inay u tagaan Guddoomiye Jawaari.

Mar kasta la iskuma haleyn karo ballan qaadyada Farmaajo iyo Kheyre taasi ayaa keenaysa in ololahooda ay ku doonayan in xukunka kaga tuuran Jawaari fashilmo ama gawaabsi ku socda oo sii tabar dhacaya.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 8 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented