Xildhibanada taagersan moshinka ay wado xukuumada oo ruwaayado iyo indha sarcaadin siyaasadeed ka wado hoteelada muqdisho

0
1

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiiradiisa iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka hor kacaya ayaa Magaalada Muqdisho ka wada olole naf la caari ah oo marba dhinaca loo jeedinayo, iyadoo hadda la soo sheegaya in Xildhibaano hore loo qeybiyay dhaqaale laguna yiri soo saara baaq ku wajahan Jawaari oo ah inuu is casilo ka hor inta uusan fadhiga Baarlamaanka labada dhinaca isla tagin.

Sidoo kale Wasiirada Cayaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo howl wadeenada Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa qaban qaabinaya sidii xerooyinka barakacayaasha looga soo saari lahaa dad banaanbaxyo dhiga oo Xukuumadda ku taageersan mooshinka Jawaari laga keenay.
Kooxda Mooshinka wada ayaa wax kalsooni ah isku qabin xaqiiqdii marba dhinac ayay u ordayaan halka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari kalsooni badan ka muuqato.

Dhaqaalihii Gobolka Banaadir, lacag ka timid Qadar ayaa la doonaya in codka Xildhibaanada lagu iibsado in kastoo Xildhibaanada doonaya in Jawaari ka difaacan duulaanka Xukuumadda ay yihiin kuwa marna u baahnayn lacagta laaluushka ah balse waxaa ay ku doodayan inay difaacayan jiritaanka Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba Kheyre iyo xulufadiisa ayaa sidoo kale laga yaaba inay ka hadal siiyan dad caan ah oo dhaqaale lagu soo iibsaday kuwaas oo Jawaari ugu baaqi doona inuu is casilo.

Geeska kale dadka Soomaaliyed ayaa si weyn u garab taagan Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaana sii badinaya naceybka loo qabo Xukuumadda Kheyre.