allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Xildhibaan Cabdi Shire “Jawaari Oo Gudoomiyenimada Laga Qaado Waa Baarlamaanka Oo Irdaha Loo Laabo”

Xildhibaan Cabdi Shire oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aadan in xilka qaadis lagu sameeyo Gudoomiyaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,xili weli uu jiro xiisad Siyaasadeed oo ka dhalatay mooshinka lag gudbiyay Gudoomiye Jawaari.

“Isku dayga in xilka laga qaado , Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, waxaan u arkaa mid aysan ku jirin danta ummadda Soomaaliyeed xilligan. Waxaan ka codsanayaa Xildhibaanada saxiixay moowshinka in ay xaalada dib u eegaan iyaga oo maanka ku haya marxalada dalku ku sugan yahay”

Xildhibaan Cabdi Shire ayaa sheegay in waqtiagn ay wanaagsan tahay in aan xaqiiqada laga tegin,isaga oo difaacay Gudoomiye Jawaari,waxa uuna ku tilmaamay in uu yahay nin Sharci yaqaan ah,hadii xilka laga qaadana ay la mid tahay in baarlamaankii irdaha loo laabay.
Dadku waa banii’aadmi, khalad waa jiri karaa ay arkaan xildhibaanada qaar in uu galay gudoomiyuhu, balse waxaa muhiim ah in aan xaqiiqada aan laga tagin. Aqoonta Jawaari uu leeyahay dhan maamul, sharci, waayo-aragnimo , maanta ma noola qof Soomali ah oo leh. Jawaari oo Gudoomiyenimada laga qaado waa baarlamaanka oo albaabada loo laabo ayuu yiri Xildhibaanka”

Weli waxaa taagan xiisada ka dhalatay mooshinkii laga keenay gudoomiye jawaari taas oo sababtay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay labo u kala qeybsamaan,waxaana lagu eedeynayaa in ay mooshinkaas dabada ka riixeyso xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Xigasho Dalsan Radio

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 20 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented