allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DAMACA KHEYRE, Diidmada Jawaari,Heshiiskii MOU Qodobadii ku qornaa, Magacyada Xildhibaanada Mushaarka ka qaata Xukuumadda ee sax iyo qalad iska taageera,Warbixin

Waxaa soo baxaysa Warar ku saabsan waxyaabo ku jiray waraaqdaas is fahamka ah ee ah ee la rabay in laga saxeexo guddoomiyaha Barlamanka, taas oo ah barnaamij ay wadatay laanta fulinta dalka (the executive Branch).

Xukuumadda Kheyre oo hadda sannad jirsatay ilaa iyo haddana ma jirto wax macno leh oo ay qabatay, taasina waxay si fudud u keeneysaa inay xukuumadda meesha ka baxdo haddii lala xisaabtamo.

Laakiin dawladda waxay la timid qorsho ah inaan lala xisaabtamin si aan loola xisaabtaminna ay heshiis la gasho ciddii la xisaabtami lahayd.

Heshiiskaa oo ay is lahaayeen si sahal ayuu idiin kugu meel mari doonaa ayaa waxaa diiday guddoomiyaha Barlamanka waana halka uu dagaalkan ka bilowday.

Xukuumadda xildhibaanno dhowr ah ayey u qortay mushaarooyin si ay xukuumadda uga kaalmeeyaan khalad iyo sax wixii ay rabto inay fuliso.
Xiladibannadaas waa kuwa meel walba la taagan ammaanta afeed ee dawladda iyagoo aan haysanid wax ay ku kabi karaan hadalkooda.

Xildhibaan Goodax, Cabdishakuur Cali Mire, Sagal Isaq Biixi, iyo Dahir Amin Jeesow si fiican u dhageyso hadalkooda waxaa kuu soo baxaya inaysan marnaba dan qaran ka hadleyn ee ay tooda u muuqato.

Sida laga warqabo xukuummadda waxay gashay khaldad aad u badan mudadii sannadka ahayd ee dalka xukumeysay. Khaldaadkaas oo ah kuwa qaran dumis ah oo haddii dawaldihii ka horreeyey ay ku kici lahaayeen maanta la yaabi lahaa.
Haddaba maxaa uu muhiimsanaa MOU uu guddoomiyah diiday:
1. Inay dawladda badali karto wasiirkii ay doonto oo aysan u baahanin inay barlamaanka kalsooni u soo weydiiyaan, xataa haddii dhammaantood mid mid loo badalo.
2. Inuusan barlamaanka marnaba kalsoon kala noqosho mooshin ah uusan ka keeni Karin Madaxweynaha, R/Wasaaraha iyo Xukuumadda.
3. Inuu Barlamanka joojiyo jebinta iyo tuurista heshiisyada ay xukuumaddu gasho sida kii Qalbidhagax iyo Kii Boobka dekadaha ee DP World oo ay Barlamanka tureen.
4. Inaad barlamaanka la horkeenin lana soo hadal qaadin SOMA OIL and GAS, si aysan u salfan R/Wasaaraha oo arrinkaas si fiican ugu lug leh.
5. In Barlamaanka mar waliba uu u fuliyo qorshaha xukuumadda sida ay u rabto.
6. In guddoomiyaha uu Xakameeyo Barlamanka.
Arrimahan waa qodobo ka mid waraaqdii gudoomiye Jawaari la hordhigay oo uu diiday kadib markii uu u arkay inay tahay khiyaano qaran tahay in xukuumadda loo afqabto Barlamanka, dalkana la geiyo xukun kali talisnimo.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 20 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented