XAFLAD YARIISOW QARASH BADAN ku bixiyay oo Kheyre lagu amaani lahaa oo la baajiyay, Kuraastii iyo Sawiradii meesha lagu dhejiyay waa kuwan

0
1

Xaflad lagu soo badhigi lahaa waxqabadka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa cabsi darteed loo baajiyay kadib may soo baxeen warar sheegaya in dad ka careysan hab dhaqanka Ra’iisal wasaaraha iyo Siyaasadiisa khilaafka badan soo weerari doonaan.

Xafladan oo lacagta ku baxaysa ay bixiyan Kheyre iyo Gobolka Banaadir lana doonayay in lagu amaano Ra’iisal wasaaraha cadaadiska badan saaran yahay ee muranka ka dhex dhaliyay Baarlamaanka ayaa daqiiqadii ugu dambeeyay maanta la baajiyay iyadoo xafladana ay dhici rabtay caawa.

Abaabulaasha Xaflada ayaa waxay kala ahaayan Xuseen Iidow, Milkilaha Hotelka Jazeera, Gaambe,Cabdishakur Cali Mire , Duqa Magaalada Muqdisho Eng Yariisow,Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Cayaaraha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa amaanta Kheyre ka dhigtay mashruuc lacag badan lagu cunayo.

Kheyre oo aan waxba qaban ayaa la doonayay in xafladan lagu weynayo waxqabad la soo dhoob dhoobay oo aan qiimo badan ku fadhin , waxaana la doonayay in dadka soomaaliyed been aan jirin lagu jeediyo.