WAKIILADA BEESHA CAALAMKA oo Farmaajo ku cadaadinaya inuu is casilo Mr Kheyre

0
1

Waxaa xalay ilaa saakay si isdaba joog ah ula soo hadlayay Madaxweyne Maxamed Farmaajo qaar ka mid ah wadamada beesha caalamka iyagoo kula hadlayay mowqif aay ka mideysan yihiin oo ah in si loo helo xasilooni siyaasadeed uu RW Xasan Cali Kheyre uu xilka isaga tago.
Wadamada beesha caalamka qaarkood ayaa u balan qaaday Madaxweyne Farmaajo in aay si hoose ugala shaqeyn doonaan sidii loo dhameystiri lahaa howlaha qabyada ah, balse inta uu jiro isqabqabsi siyaasadeed aanay suurtagal noqoneyn in dalka uu gaaro haykalkii siyaasadeed ee laga rabay.

Safiirada qaar ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in aanan loo dulqaadan karin in amnigii iyo siyaasadiiba aay faraha kasii baxayaan, waxaana qaarkood aay u sheegeen Madaxweyne Farmaajo in uu si toos ah usoo farageliyo xaaladda cakarin.

Madaxweyne Farmaajo aya aqbalay dalabkii diblomaasiyiinta daneeya arrimaha Soomaaliya, wuxuuna u sheegay in uu xal waaro u raadin doono sidii loo heli lahaa degenaasho siyaasadeed.

Madaxweyen Farmaajo ayaa sidoo kale aqbalay dalabkii wadamada beesha caalamka ee ahaa in uu ka baaqdo safarkii uu maanta ku tegi lahaa dalka Qatar.

Waxaa la rumeysan yahay in RW Kheyre uu si xasiloon xilka uga degi doono maalmaha soo socda.