allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

KHEYRE oo ku fashilmay qorshihii uu ka damacsanaa xarunta Baarlamaanka, Ciidamada Amisom oo la wareegay amniga xarunta

Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa guud ahaan la wareegay ammaanka xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdishio kadib markii xalay fiidkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Telefoonka kula hadlay Taliska Amisom kana dalbadau in amnigooda la sugo, ujeedada Guddoomiyaha ula hadlay amisom waxay ahayd in laga hortago shirqool siyaasadeed Kheyre damacsanaa iyo isagoo goobta geeyay ciidamo isaga ka amar qaata.

Inku dhow 100 Askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee ka ah howlgalka AMISOM ayaa ku sugan xarunta Golaha Shacabka oo uu guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari uu ku eedeeyay ciidamo uu soo direy ra’iisul wasaare Kheyre ay la wareegeen amniga xarunta golaha shacabka.

Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sheegay in sababaha ciidamada loogu kordhiyay ay yihiin sidii loo xoojin lahaa amniga xarunta golaha shacabka.

Hase yeeshee ciidamada cusub ayaa ah kuwo lagu kordhiyey ciidamo hore ugu sugnaa xarunta golaha shacabka.

Khilaafka ka dhex taagan baarlamaanka Soomaaliya ayaa xoogeystay, waxaana uu sameyn ku yeeshay howlihii baarlamaanka Soomaaliya.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 17 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented