allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Aqalka sare oo taageeray go’aankii dalka looga saaray DPWorld

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaannada aqalka sare ee Soomaaliya ayey maanta ku taageereen go’aankii dhawaan golaha shacabka ay dalka uga mamnuuceen Sharikadda DPWorld.

Golaha aqalka sare ee dalka ayaa taageeray xeerkii ay meel mariyeen golaha shacabka ee dalka looga mamnuucay DPWorld.

36; XIldhibaan ayaa xaadirtay fadhiga aqalka sare ee maanta,iyada oo ay 28; Xildhibaan oggolaatay in dalka laga saaro DPWorld, 6; xildhibaan ayaa diiday halka 2; Xildhibaan ay ka aamuseen.

Xildhibaannada Golaha aqalka sare ayaa shalay ku kala qeybsamay arrintan hayeeshee kulan ay maanta isugu yimaadeen ayey ku aqbaleen go’aankaas.

DPWorld ayaa iyaduna maanta sheegtay in uusan quseyn go’aanka ka soo baxay golaha Shacabka Soomaaliya islamarkaana ay sii wadeyso mashaariicda ay ka fulineyso degaannada Somaliland.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 15 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented