allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

XILDHIBAANADA KU XIRAN FARMAAJO IYO KHEYRE oo Welwel ku aadan mooshin kale oo Kheyre laga wado iyo Wararkii ugu dambeeyay Mooshinka Jawaari

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka uu saacadaha soo socda kulan degdeg ah ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa, iyagoo ka hadlaya xaaladaha soo kordhay, kaddib mooshin ka dhan ah Guddoomiye Jawaari oo saaka loo gudbiyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudeey kaas oo abaabulkiisa ay leeyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre.
Kulanka Guddiga Joogtada ayaa la sheegay in looga hadli doono sida laga yeelayo Mooshinka laga keenay Jawaari, waxaana Guddiga ka arrinsan doonaa in mooshinka loo gudbayo Baarlamaanka iyo in kale, iyadoo ay u baahan tahay in marka hore uu isku raaco.

Warar laga helayo Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari uu kulamo la leeyahay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, waxaana Jawaari uu wajahayaa xaalad go’doon ah marka loo eego mooshinka laga gudbiyo iyo eedeymaha loo jeediyay.

Sidoo kale Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo ku aadan xaalada siyaasadeed iyo mooshinka, iyadoo Xildhibaanada horboodaya Mooshinka ay yihiin kuwo ku xiran xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale waxaa iyana isa soo taraya mooshin kale oo la sheegayo in laga wado Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

 

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 14 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented