allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Mooshinkii laga keenay Jawaari oo fashilmay, Kheyre oo Madax xanuun ka qaaday

Wararka laga  helay Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya inuu guuldareystay isku daygii Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ay mooshin kalsooni kala noqosho ka geeyeen Guddoomiye Jawaari.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaano gaaraya 16 ay ka laabteen Mooshinka, isla markaana 91 Xildhibaan ay ku soo aruureen Xildhibaanada, sidaas darteedna loo baahnaa in 92 Xildhibaan.

Dastuurka ayaa dhigaya in 3/1 (Seddex Meel hal meel) ay soo gudbin karaan mooshinka ka dhan ah Guddoomiye Jawaari.

Guddiga Joogtada ayaa sheegay inuu fashilmay mooshinkii laga keenay Jawaari, kaddib markii tiradii loogu tala galay ay ku buuxsami weyday, isla markaana shuruudihii looga baahnaa ku gudbi waayay

Xubnaha Guddiga Joogtada ayaa weydiistay Guddoomiye C/wali Ibraahim Muudey inuu soo bandhigo tirada rasmiga ah ee saxiixay mooshinka, si mooshinka u dhaqan galo, balse ma aanu soo bandhigin, isagoo ku adkeystay in tirada ay dhan tahay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda in qalalaase siyaasadeed uu dhexda ka galay, iyadoo maalin ka hor la furay Kalfadhigii 3aad ee Golaha shacabka, waxaana dad badan saadaalinayaan in qalalaasaha hada bilowday inuu saameyn ku yeelan karo hey’addaha dowladda, sida Xukuumadda

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 14 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented