FARMAAJO IYO XASAN KHEYRE oo Isku baheysanaya sidii meesha looga saari lahaa Jawaari,Xuseen Iidow, C/shakuur Mire, Dahir Amin Jeesow, Goodax Barre ayaa ka mid ah kuwa Kheyre iyyo Farmaajo biilka joogtada siiya ee Mooshinka wada

0
1

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u qabtay mooshin laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari) kaas oo ay si wada jir ah ugu soo shaqeeyan Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xasan Cali Kheyre Wasiirka koowaad dalka

Guddoomiye ku xigeenka C/weli Ibraahim Muudey ayaa saaka aroortii lagu wareejiyey mooshinka oo ay saxiixeen 107 xildhibaan, waxaana uu saxiixay qabashada mooshinka, iyadoo ay taasi ay keeni karto arrimo dhowr ah iyo xiisad siyaasadeed oo ka dhex qaraxday madaxda sare ee dalka.

Go’aanka ugu horeeya ee qabashada Mooshinka Jawaari keenayo ayaa ah inuusan Jawaari guddoomin karin fadhiyada golaha shacabka, iyadoo uu noqonayo xildhibaan caadi ah inta mooshinka ka yaalla meel laga saarayo.

Xiisada siyaasadeed iyo mooshinka Jawaari ayaa si lama filaan ah u soo shaac baxday xalay iyadoo mooshinkan oo ay hore u wadeen xildhibaanno aan badneyn ay taageereen madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Xildhibaanada Mooshinka keenay oo Kheyre Ra’iisal Wasaaraha dalka u qeybiyay lacag, waxaa ka mid ah Dahir Amin Jeesow, Xusen Iidow, C/shakuur Cali Mire, Goodax Barre iyo xubno kale.

Ujeedada ugu weyn kooxda Nabad iyo Nolol la baxday oo Farmaajo hoggaaminaya ayaa ah in dalka ay qabsadaan sidii ay doonaan ka yeelan.