Duqa Magaalada Muqdisho oo qeyb ka noqday ololaha lagu ridayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Kheyre oo adeegsanaya Yariisow

0
1

In kastoo fashil ku dhamaaday mooshinkii saaka waaberigii laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya had Prof Jawaari haddana ololaha mooshinka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yariisow.

Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre ayaa ku amray Guddoomiye Yariisow inuu ka qeyb qaato ridista Guddoomiyaha Baarlamaanka isla markaana uu arrimaha Gobolka hakad geliyo iskuna mashquliyo fur furista Xildhibaanada iyo qeybinta lacagaha laaluushka ah.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaano gaaraya 16 ay ka laabteen Mooshinka, isla markaana 91 Xildhibaan ay ku soo aruureen Xildhibaanada, sidaas darteedna loo baahnaa in 92 Xildhibaan.

Dastuurka ayaa dhigaya in 3/1 (Seddex Meel hal meel) ay soo gudbin karaan mooshinka ka dhan ah Guddoomiye Jawaari.

Guddiga Joogtada ayaa sheegay inuu fashilmay mooshinkii laga keenay Jawaari, kaddib markii tiradii loogu tala galay ay ku buuxsami weyday, isla markaana shuruudihii looga baahnaa ku gudbi waayay

Xubnaha Guddiga Joogtada ayaa weydiistay Guddoomiye C/wali Ibraahim Muudey inuu soo bandhigo tirada rasmiga ah ee saxiixay mooshinka, si mooshinka u dhaqan galo, balse ma aanu soo bandhigin, isagoo ku adkeystay in tirada ay dhan tahay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda in qalalaase siyaasadeed uu dhexda ka galay, iyadoo maalin ka hor la furay Kalfadhigii 3aad ee Golaha shacabka, waxaana dad badan saadaalinayaan in qalalaasaha hada bilowday inuu saameyn ku yeelan karo hey’addaha dowladda, sida Xukuumadda

Duqa Magaalada Muqdisho Yariisow ayaa la arkayay maanta ilaa iyo xalay isagoo hotelo iyo guriyo ku booqanaya Xildhibaano.
Maanta Arbaco ahna Guddoomiye Yariisow waxaa uu ka dhamaan waayay xafiiska Madaxweynaha iyo midka Ra’iisal wasaaraha isagoo ka shaqeynayay mooshinka fashilmay.

Dhaqaalihii ugu badnaa ee xalay la bixiyay ayaa laga soo saaray qasnada Gobolka Banaadir sida ay sheegayan wararka ay helayso Newsomali.com.