DAMACA FARMAAJO IYO KHEYRE, Xubnaha ay doonayan in afhayeenka Baarlamaanka loo doorto Jawaari kadib, Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka Jawaari oo sheegaya inay ku soo jabin doonan fadhiga Baarlamaanka sabtida, Warbixin

0
1

Mooshin kalsooni kala noqosho laga soo gudbiyay Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa si wada jir ah u soo abaabulay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yasiin.

Sida ay sheegayan mooshanka ayaa waxaa uu ka dhashay markii Jawaari isku dhaceen Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre kaas oo ugu dambeyntii Xildhibaano had iyo jeer mushaar joogta ah ka qaata xafiiskiisa u xil saaray diyaarinta Mooshinka.

Habeenkii xalay ahaa barxada Madaxtooyada ayaa warqada mooshinka faraha loogu geliyay Guddoomiye kuxigeenka Mr Muudey oo ka amar qaata Fahad Yaasiin.

Xildhibaanada Mooshinka wada waxaa ka mid ah Khadiijo Maxamed Diiriye oo isku dhiibtay Kheyre kana mid ah Golihiisa Wasiirada, Cabdishakuur Cali Mire ,oo qabiil ahaan ku taageera Farmaajo sidoo kalena daacad u ah Fahad Yaasiin, Xuseen Iidow oo isna qabiil ahaan u taageera Xasan cali Kheyre, Dahir Amin Jeesow oo ah Xildhibaan laaluush qaata ah iyo xubno kale oo koonfur galbeed ka soo jeeda.

Damaca Farmaajo iyo Kheyre wuxuu yahay in dalka oo dhan gacantooda soo geliyan oo xafiis hoose ilaa iyo mid sare noqdo mid iyaga maamula taas oo haddii au dhacdo rajo beel ah.

Laakiin Xildhibaanada Taageersan Jawaari iyo kuwa Siyaasad ahaan diidan Teamkan Farmaajo iyo Kheyre waxay leeyihiin Mooshinka sabti ayaa la keena Baarlamaanka waana ku soo jabinaynaa kadibna waxaa u soo jeesanaynaa Kheyre.

Inta badan Xildhibaanada Qabyo ayaa loo badinayaa inay taageeran difaaca Jawaari, melaha kale codka ka heli doona Jawaari ayaa la aaminsan yahay inay tahay dirta kuwaas oo iyagana ka soo horjeeda farmaajo iyo Kheyre.

Saaxiibka ugu weyn Jawaari xilligan waa Mahad Awad guddoomiye kuxigeenka labaad Baarlamaanka.

Si kastaba Mooshinka Jawaari waxaa ololohiisa ugu weyn xilligan ka socdaa Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda la geeyo Guddiga joogtada kadibna loo gudbiyo fadhiga Baarkamaanka sabtida.

Dhinaca kale Farmaajo iyo Kheyre ayaa gacanta ku haaya Liis ay ku qoran yihiin dadka ay doonayan inay afhayeenka Baarlamaanka ka dhigtaan waxa jira kuwa qarsoon iyo kuwa banaanka yaala waxaana ka mid ah Sheekh Aadan Madoobe oo horey u soo noqday afhayeenka Baarlamaanka iyo Maxamed Mursal Wasiirka Gaashandhigga xilligan.