allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DAAWO Xildhibaanadii taageersanaa Kheyre oo caawa wax kama jiraan ku tilmaamay go;aanadii Sharciga ahaa ee Guddiga joogta soo saaray, Daawo Video

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii Guddiga Joogtada ay ku laaleen Mooshinkooda, iyagoo xusay in laga been abuurtay Xildhibaanada qaar ee la sheegay inay ka laabteen Mooshinka, iyadoo sida la og yahay xubnahan dhamaantood sharciga baal marayan kuna xiran yihiin Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka mid ahaa Xildhibaanadii shirka jaraa’id qabtay ayaa sheegay in loo baahan yahay in lagu dhaqmo sharciga iyo dastuurka u yaalla, isagoo ku tilmaamay wixii maanta ka soo baxay kulankii Guddiga joogtada ay ahaayeen kuwo aan xeerka iyo sharciga waafaqsaneyn.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid ah Xildhibaanada ku xiran Madaxtooyada ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari aanu Guddoomiye u aheyn Golaha shacabka, inta uu xukunka ka dhacayo.

“Guddi joogtana go’aan kama gaari karaan mooshinka Jawaari Guddoomiye uma ahan Golaha shacabka, inta mooshinka yaalo”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali.

Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee Xildhibaanada.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 14 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented