allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MIDKEE hor bixi doona Kheyre iyo Jawaari, Labo Mooshin oo is barbar socota, Warbixin

Mar haddii uu Barlamanka soo shaqo galay waxaa la filayaa inuu dalka horay u dhaqaaqo waayo dadka waxa badan ayey barlamanka iyo xildhibaannada ka sugayaan. Ugu horreyn waxay saxeen khalad dayacaad iyo mas’uuliyad xumo dawladeed dalka lagu geliyey iyadoo mar hore wax laga qaban karay. Shirkadda DP world oo Imaaraadka laga leeyahay oo rabtay inay boobto dhammaan dekadaha Somaliya ayaa dalka laga eryey waana tallaabo bogaadin mudan. Waxaana barlamanka laga sugayaa inuu saxo dhammaan khaldaadkii la galay intii uu fasaxa ku maqnaa oo uu ka dhigo geel caruur qaadday ma foga.
Iyadoo shaqada iyo middiyaha uu barlamanka wax ku saxo, waxna ku badalo ay mooshin yihiiin ayaa waxaa xalay bilowday nuxnux ah in Xildhibaanada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya ay wadaan mooshin ka dhan ah Guddoomiye Maxamad Cismaan Jawaari kaasoo ay ku eedanayaan qodobo dhowr ah.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa sheegaya in tirada mudanyaasha saxiixey mooshinkaan looga soo horjeedo Jawaari ay ilaa iyo hadda marayaan cadad aad uga badan intii loo baahnaa inay ka keeni karto mooshin gudoomiyaha Barlamanka, waxaana la filayaa in si degdeg ah loogu dhiibo gudoonka barlamanka mooshinkaan.

Isku day badan oo ay sameysay Newsomali ayaa waxaa u suuragashay inay wax ka ogaatay qodobada lagu eedeynayo Gudoomiye Jawaari. Qodobada sida gaarka ah loogu dhegan yahay ayaa waxaa ka mid ah:

In shuruuc badan oo ahayd In aqalku ansaxiyo uu Gudoomiyihu hortaagan yahay;
In shaqadii Barlamanada ay qeyb weyn kala wareegtey madasha madaxda Soomaalida kuwasoo howlihii uu qaban lahaa guddiyo gaar ah u saartey iney ka wada-xaajoodaan sida arimaha Dastuurka, Khayraadka iyo doorashooyinka Somaaliya;

iyo In Gudoomiyaha Barlamanka uu curyaamiyey howlihii dib u eegista Dastuurka kuwasoo uu afduubey Wasiirka Dastuurka.

Gudoomiyaha oo lagu eedeeyey qodobadan kor ku xusan ayaa sidoo kale waxaa Xildhibanada aqalka aaminsan yihiin in madaxda hay’adaha fulinta uu kala shaqeeyo sidii aqalka wakiilada uusan qayb uga noqon lahayn habsami u socodka hawlaha dalka iyo waliba howlaho badan oo xasaasi ah, una fududeeya in koox yar oo madaxtooyada ku xeran ay sidey rabaan ka yeelaan hogaaminta qaranka. Waxaa kaloo lagu eedayaa inuu ogolaaday inay madaxtooyada u qorto gunnooyin xildhibaanno ay si gaar ah u adeegsato si loogu kala daadiyo awoodda Barlamanka.

Mooshinkaan ka dhanka ah Gudoomiyaha Barlamanka hadii Xildhibanadaan gudbiyaan sida sharcigu dhigayo Maxamad Cismaan Jawaari waxaa uu dhex fadhiisanayaa mudanyaasha kale inta doodiisu socoto, mana guddoomin doono shirkaas.

Newsomali waxaa kaloo u suuragashay inay ogaato cidda aadka u waddo mooshinkaan, waxaana u soo baxday inay xoog badan gelinayaan RW Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kaashanaya xildhibaano u badan Koofur Galbeed. Sidoo kale waxaa Newsomali u sugnaatay in Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre iyo Daahir Amin Jeesow uu RW Kheyre u xil saaray dardar gelinta mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS Maxamed Cisman Jawaari.

R/Wasaare Kheyre

Waxaa in muddo ahba la hadal hayey in cidda ugu horreysa ee mooshin laga keeni doono ay noqon doonto R/Wasaare Kheyre oo aan wax shaqo ah haba yaaraatee qaban intii uu xilka hayey, laguna xamanayo inuu wax ka ogaa heshiiska qaran dumiska ah ee DP world. Kheyre waxaa lagu ogyahay kaalintii fulaynimo ee uu ku lahaa dhiibistii qalbidhagax iyo Werraradii senator Cabdi qeybdiid iyo C/man Cabdishakuur. Waa jiraa guux ah inuu jiro mooshin loo meeldayayo oo kheyre la rabo in looga takhaluso walisa isma soo tarayo, waxaasa laga yaabaa inuu dardar geliyo mooshinka hadda socda ee Jawaari ka dhanka ah. Jawaari oo aad u yaqaanna sida looga hortago mooshinnada ayaa waxaa la leeyahay inuu dhinaciisa ka bilaabay mooshin Kheyre ridis ah.

Mooshinka R/W Khayre ayaa u baahan oo kaliya 40 xildhibaan, waxaana talaabadaan inuu qaado cabsi ka qaba mudanyaasha diidan Jawaari.

Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka oo furmay maalintii Sabtida [10-ka Maarso] ayaa dadka ka warhayaa waxay MOL ay u sheegeen inuu noqnayo mid aragtiyo kala duwan, is maadhaaf siyaasadeed, iyo dano shakhsiyasayadeed oo iska hor imanaya ay saameyn weyn ku yeelan doonaan barlamanka, iyadoo ay wali Fahad iyo Kooxdii ictisaam ay bannaanka ku sugayaan kolba ciddii soo baxdaa iyo Farmajo oo ay tiisa iska haysato , kana dhega la’ waxa sii socda iyo waxa soo socda toona.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 13 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented