allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Aqalka Sare oo maanta ka doodaya Xeerkii dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World

Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankooda 1aad ee Kalfadhiga 3aad, kaasoo ay uga doodayaan dhowr ajande oo uu ka mid yahay Xeerkii shalay ay meel mariyeen Golaha Shacabka.

Xeerkan oo loogu magac daray Dhowrida Gobonimada iyo Madax banaanida Geyiga Soomaaliya ayaa ahaa mid dalka ka mamnuucay Shirkadda DP World, isla markaana dhamaan waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiisyadii lala galay shirkaddaas oo lagu tilmaamay in ay ahaayeen kuwo aan sharciyad laheyn.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa dood adag ka yeelan doona xeerkan, iyadoo lagu wado inay ansixiyaan, si uu Madaxweyne Farmaajo u ansixiyo, isla markaana lagu soo saaro faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Dhinaca kale Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka doodi doona weerarkii bishii December ee sanadkii 2017 lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qeybdiid, waxaana laga yaabaa in arrintaas ay Guddi u saaraan.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa fasax ku maqnaa saddexdii bil ee u dambeysay, waxaana kalfadhigooda Sabtidii la soo dhaafay loo furay si wadajir ah, waxaa labada Aqal hor-yaala howlo adag oo loo baahan yahay inay qabtaan inta uu socdo Kalfadhiga 3aad.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 13 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented