allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

AQALKA SARE oo Dalbaday Ra’iisal Wasaare Kheyre in wax laga weydiiyo kiiskii Guriga C/qeybdiid

Xubnaha Aqalka Sare ee soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga dooday weerar hubeysan oo kol hore lagu qaaday Guriga Cabdi Qeybdiid oo baaritaankii Xukuumadda Soomaaliya u saartay waxba ka so bixin ilaa iyo iminka.
|
Ka hor inta aan la dalban in Guddi loo saaro mar kale arrintii ka dhacday Guriga Cabdi Qeybdiid ayaa hadal uu isla xildhibaankaas ka jeediyay fadhiga waxaa uu sheegay in macluumaadkii lagu weeraray gurigiisa ay ahaayan kuwa qaldan oo ay bixisay hay’adda nabad sugida qaranka soomaaliyed, iyadoo weerarkaasina ay fuliyan ciidamada imaaraadka Carabta soo tababareen.

Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay inuusan ku qanacsanayn guddigii dowladda Soomaaliya u saartay baarista arrinta guriga isla markaana ilaa iyo hadda Dowladda wax natiijo ah ka soo saarin baaritaankaas.

Waxaa cod loo qaaday in Guddi ka kooban labada aqal loo saaro arrinta Guriga Cabdi Qeybdiid.
iyo in Deg deg loogu yeero Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 13 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented