allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta ka doodaya Heshiiskii Berbera

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya kullankoodii ugu horeeyay ee kal fadhiga saddexaad oo dhawaan furmay.
Xoghayaha Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi “Buux” ayaa sheegay in kullankaan uu yahay kii ugu horeeyay ee kalafadhiga saddexaad ee Golaha shacabka,wuxuuna tilmaamay in diiradda lagu saari doono labo Qodob oo kala ah Xeer hoosaadka Golaha Shacbiga oo dib u eegis lagu sameynayo ,Qodobada qaarkood oo laga doodi doono iyo Heshiiska Maamulka Somaliland uu la galay Shirkadda Dp World iyo Ethopia oo Xildhibaanada dood ay ka yeelan doonaan.

Wuxuu sheegay  Buux inay jiraan nidaam Baarlamanka ay u doodaan,islamarkaana saddexdii bilba mar dib u eegis lagu sameeyo Xeer hoosaadka Golaha shacbiga.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay sharci darro ugu tilmaantay heshiiska dhexmaray Maamulka Somaliland,Shirkadda Dp World iyo Itoobiya kaasi oo aan loo marin nidaam sharciga waafaqsan.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 12 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented