allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

KORMEER IYO CAMERO WADA SOCDA, Yariisow oo hadal mooye waxba ku soo kordhin Gobolka Banaadir, Xalay halkee ayuu booqday, Daawo Sawirada

Hab dhaqanka Madaxda Dowladda Soomaaliya ilaa iyo Baarlamaanka ayaa waxaa uu noqday Kormeer iyo Camero wada socota, iyadoo ujeedada ugu weyn laga leeyahay wada socodka labadaas arrimood ay tahay in lagu soo jiito dadweynaha Soomaaliyed loona muujiyo waxqabad iyo howl qaran in lagu jiro.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir, Saraakiisha Booliska iyo Nabadsugida ayaa xalay kormeeray Isgoysyada Wadada Warshadaha iyo Sodonka, halkaasoo Ciidamada amniga ku leeyihiin baro koontarool.

Kormeerka waxaa uu dhacay xilli inta badan dhaqdhaqaaqa magaalada uu xirnaa maadama dadweynaha badankooda ay seexdan, mana jirin gaadiid iyo ganacsi oo xilligaas shaqeynayay.

Isgoysyada ay Mas’uuliyiinta kormeereen ayaa kala ahaa Isgoyska Baar Ubax, Cali Kamiin, Warshada Caanaha, Ex Koontarool Balcad, Saldhigga degmada Huriwaa, Suuqa Xoolaha Illaa Xero Maslax.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Yariisow tan iyo intii xilka loo magacabay lama imaan wax is bedel oo sidaas u weyn, mana jiraan wax dhaqdhaqaaq ah oo Maamulkan cusub la yimid ama wax ka bedelan qorshihii Maamulkii hore ku shaqeyn jiray.

Qeybaha ay xalay kormeereen Mas’uuliyiintan ayaa waxaa ka dhacayay maalmihii la soo dhaafay weeraro iyo dilal qorsheysan oo ugu dambeysay illaa saddex qof oo mid askari uu ahaa oo shalay lagu dilay agagaarka Labaajada Mahad Alle ee Wadada Warshadaha.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 12 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented