allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

CIIDAMADA MADAXTOOYADA oo rasaas ku furay Gaari uu lahaa Hanti dhowraha Qaranka

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee fariisinka ku leh agagaarka Sayidka ee magaalada Muqdisho ayaa rasaas ku furay Gaari uu lahaa Hanti-dhowraha Guud ee qaranka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali “Afgooye”.

Wararka ayaa  sheegay in Gaariga ay Taayarada ka banjariyeen Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya gaarigaas oo ahaa Bullet buruuf “Kuwa aan Xabadda Karin”

Hanti-dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali “Afgooye” ayaa ka maqnaa Gaariga waxaana la aaminsan yahay in uu saaran yahay oo kaliya Darawalka, Wadaha Gaariga ayaa diiday in uu furo Albaabada Gaariga si loo baaro waxa uuna isku dayay in uu xoog ku soo maro Xarunta Ciidanka waxaana kadib Qoriga culus ee ka dhaca Gaariga nuuca Cabdi Bile ah la sheegay in ay Ciidamada ku fureen waxa ayna taasi ay sababtay in Gaariga uu Taayarada ka Banjaro waa sida ay ku doodayan Saraakiisha Madaxtooyada laakiin lama xaqiijin karo sheegashadooda.

Gaariga Bullet buruuf waa Gaari aan karin Xabadda waxana ay arintaasi sababtay in Wadaha Gaariga uu halkiisa kala socdo dhaq dhaqaaqa banaanka ee Ciidamada, amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad maanta loo adkeeyay waxaana agagaar Sayidka ka socda Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hanti-dhowraha qaranka oo aan la xariirnay wali nooma suurta galin in aan helno si aan wax uga weydiino arintaan, sidoo kale Laamaha amaanka Soomaaliya wali kama hadlin falkaan ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 12 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented