allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

BAARLAMAANKA oo Badbaadiyay Qaranimada, Hoggaanka Farmaajo, Kheyre oo lagu qaldamay, Ma tahay Xilligii Kalsooni loo qaadi lahaa Xukuumadda

Toddobaad keliya ayay ku qaadatay Baarlamaanka Soomaaliya inay qaatan go’aanka dalka looga mamnuucayay Shirkadda DP World oo soo faragelisay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku adkaatay in shir deg deg ah ka yeelato heshiiskii Berbera,Marka laga reebo Wasiirada oo qoraal soo saartay in Ra’iisal Wasaaraha oo hadal jilacsan kaga jawaabay faragelinta Shirkadda DP World hadana Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaatay go’aan taageero ka helayo shacabka Soomaaliyed.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markan su’aal la gelinayaa hoggaankiisa jilacsan ee ku adkaatay difaaca qaranimaa.
Waxay ahayd in Xukuumadda Soomaaliya u yeerto Safiirka Imaaraadka ee Muqdisho jooga una gudbisa cabashada Dowladdiisa ee ku aadan heshiiska Berbera iyo faragelinta Imaaraadka ee arrimaha Soomaaliya.

Intaas waa ay ku guuldareysatay Xukumadda Kheyre sidaas darteed Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta oo isniin ah dalka ka mamnuucay Shirkadda DP World waxaa looga baahan yahay inay u yeeran Kheyre iyo Xukuumaddiisa mar kale kalsooni loo qaado.

Si kastaba hab maamulka Xukuumadda Kheyre ayaa loo arkaa inay tahay mid jilacsan oo ku fashilantay waxyaabo badan iyadoo inta badan adeegsata ma ogeyn nalama tashan iyo waxyaabo kale, waxayna kala garan weysan tahay waa Xukuumadda halka ay mas’uuliyad ka saaran tahay iyo cadowga dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya go’aanka uu qaatay waxaa uu yahay midkii loo baahna, umadda soomaaliyedna go’aankan waxay u arkaan inuu yahay midkii ugu saxsanaa Taariikhda oo Baarlamaankan cusub gaaray, wuxuuna la mid yahay kii Baarlamaankii 2009 ku laalay Heshiiskii is fahamka ee kenya iyo Soomaaliya ee ku saabsanaa Baddda.

Xukuumadda Kheyre waxay talaabo ka qaadi weysay Shirkado iyo dalal ku soo duulay qaranimada dalka.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 12 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented