allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Somaliland oo sheegtay in si kumeel gaar u joojisay wada hadaladii dowladda Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay sheegay in si KMG u joojiyeen wada hadaladii iyaga iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo qorshihiisa ahaa in dhamaadka bishan uu dib u furmo.
Sacad Cali Shire ayaa sheegay in muddo bil ay hakiyeen wada hadadalada, isla markaana ay ka fiirsan doonaan in dib loo furo iyo in kale.

“Waxaa dib u dhigtay wada hadalkaa, waqti xaadirkaan ma jirto duruuf saamaxeysa in aysano wada hadal galno, muddo bil ayaa dib u dhignay wada hadaladii”ayuu yiri Sacad Cali Shire.

Tan iyo sanadkii 2015 ma jirin wax wada hadal ah oo dhex maray labada dhinac, iyadoo wada hadalkii ugu dambeeyay uu ka dhacay dalka Turkiga.

Waxaa sii xoogeystay Xiisada ka dhalatay heshiiskii saddex geesoodka ee Dekeda Berbera, kaasoo ay galeen Itoobiya, Somaliland iyo DP World, iyadoo dowladda Federaalka ay ka soo horjeesatay heshiiskan, isla markaana dacwad ka gudbisay Jaamacadda Carabta.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 11 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented