allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Farmaajo oo markii ugu horeysay cadeeyay heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatooyinka ka dhex jirta Maxkamada dalka

Madaxweynaha  Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa markii ugu horeysay qiray inay soo gaareen cabashooyin dhanka Garsoorka ah.

Madaxweyne Farmaajo, waxa uu sheegay in Cabashooyinka soo gaaray ay lidi ku ahaayen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha dalka.

Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Shacabka Soomaaliyeed ay helaan Caddaalad, islamarkaana garsoorka dalka uu noqdo mid shaqeeya oo lagu kalsoon karo.

Wuxuu sheegay inay qaadayaan talaabo degdeg ah oo wax looga qabanaayo Xaalada Garsoorka dalka si buu yiri ay shacabka Soomaaliyeed ugu diirsadaan Garsoor caadil ah.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo tilmaamay inay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan cabashooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee dhanka Garsoorka, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in marnaba aysan suurtagal noqonkarin in amni iyo horumar la sameeyo, iyadoo uusan shaqeynaynin garsoorka dalka.

‘’Waxaa jira cabashooyin badan oo nooga imaaday dhanka Garsoorka, waxaan shacabka Soomaaliyeed u ballanqaadeynaa inay heli doonaan isbedel dhanka Garsoorka ah oo caadaalada ku shaqeyn doona’’

Sidoo kale, Farmaajo ayaa sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay wadeen daraasad ku saabsan Xaaladda Cadaaladda Soomaaliya, islamarkaana hadda ay amba qaadi doonaan sidii loo sixi lahaa, waxaana uu haddalkaan ka sheegay munaasabada furitaanka Kalfadhiga Seddexaad.

Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya xili Garsoorka Somalia uu yahay mid aasaas u noqday ‘’La jiifshaa banaan la joojiyaa banaan’’,

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 11 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented