allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR oo ku lug yeeshay kobcinta shaqsiyaad loo sameeyay Mashruuc dhaqaale badan lagu lunsanayo, Kaalinta Maandeeq Mental Health

Muran ayaa ka taagan hay’ad muddo gaaban gudaheeda la dhisay oo Maamulka Gobolka Banaadir u gacan geliyay mashaariic saameyn ku leh Bulshada Gobolka Banaadir ama dadka Soomaaliyed, iyadoo la soo sheegayo in hoggaanka sare ee Maamulka Share aan la shaacinin ku leeyihiin hay”adan.

14kii bishii Oktobar 2017 waxaa dhacay masbiibadii Zoope ee magaalada Mugdisho, taas oo sida uu sheegay wasiirkii hore ee warfaafinta Eng. Cabdirahman Cumar Cusmaan (Yariisow) , oo hadda ah ninka raba inuu ka macaasho , inay ku geeriyoodeen in ka badan 358 ilaa 228 oo qofna ay ku dhaawacmeen. Hasa yeehsee tirade dhabta ay intaas aad uga badan tahay.

Masiibadaas oo ahayd tii ugu xanuunka badnayd ee soo marta dalka, waxay keentay Soomaalida meel walba ay aduunka ka joogaan in ka xumaadeen una soo gurmadaan wixi ay awoodeen, ka dibna ay dowladda u dhaafeen in ay arinta halkaa ka wado khaasatan daryeelki ehelladi dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay.

Nasiib daro masiibadii Zoobe waxaa fursad u arkay mashaariic looga sameyn karo shaqsiyaad iyo hay’ado.

Waxaa si degdeg ah loo abuuray hay’ad la yiraahdo Maandeeq Mental Health with Borders. Website hay’ada (www.maandeeqmh.org/) waxaa la diiwaan geliyay 29 Nov 2017, magaca lagu diiwan geliyay waa Kevin Mbugua, waxaa laga diiwaan geliyay Nairobi, Tel +254(0)703536625.

Hay’addaan oo jirta muddo ka yar 3 bilood ayaa Gobalka Banadir u aqoonsaday inay wax ka qabato dadkii dhibaatada soo gaartay gaar ahaan xagga dhimirka.

Magaca hay’ada waxaa lagu qabtay xaflad ballaaran oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka Gobalka Banadir oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobalka Banadir, Eng. Yarisow.

Hay’ada malaha taariikh iyo waayo aragnimo shaqo. Sidoo kale hay’ada malaha nidaam ay ku maamuli karto dhaqaale badan.

Si kasta oo ay tahayba, waxaa Newsomali soo gaartay codsi Maandeeq ay ku dalbanayso lacag dhan ilaa $ 4,242,957.93 oo lagu sheegayo in dadkii masiibada ku gaartay Zoobe in wax loogu qabanayo.

Baaris la sameysay ayaa waxaa soo baxday shaqsiyaadka ka danbeeya mashruucaan inay ka mid yihiin Hodan Cali oo uu dhawaan Gudoomiyaha Gobalka Banadir u magacaabay Isku xeraha Macaawinooyinka (Humanitarian Coordinator), Rowda Cabdulaahi Colaad oo ay saaxiib dhaw ay yihiin Hodan Cali isla markaana ah Gudoomiyaha Degmada Waaberi iyo Xuseen Jabiri oo isna dhawaan loo magacaabay madaxa mashaaricda Gobolka Banadir.

Waddada Sharcigu qabo in loo maro
Dalka waxaa ka jirta Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka oo leh hay’ada noocan ah waxayna ahayd inay iyada maamusho.

Waxaa muuqata inay dano gaar ah jiraan oo guddoomiyaha gobolka iyo koox uu gaar ah ay rabaan inay iyagu ka macaashaan, xanuunka ay maamul xumada dalka ka jirtaa u keentay shacbiga Somaliyeed.

Waxay ahayd in haddii la bixinayo hawsha noocan oo kale ah oo hay’ado gargaar la siinayo in qandaraas la qabto oo loo tartamo ee koox gaar ah oo hay’ad gaar ah sameysatay inaan lagu naasnujin waa gef sharciyeed iyo horseedid musuqmaasuq, waxayna ka mid tahay sababaha had iyo jeer Maamulka Federaalka u qariya isla xisaabtan iyo tartan loo furo hau’adaha kala duwan ee dalka ka howlgala.

Ugu dambeyn, Magaca Maandeeq oo ah magac dadka Soomaalida wanaag la xariiriyaan ayaad u malaysaa in hadda loo arkay mashruuc lagu maali karo masiibadii Zoobe.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 10 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented