allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

FARMAAJO oo digniin u diray Shirkadaha Shisheeye ee arrimaha Soomaaliya faraha kula jira

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin in dalka shirkado iska maamushaan ama ay ka fuliyaan mashaariic aysan ogeyn dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo oo maanta qudbad furitaan ah ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay tan shirkadaha shisheeye ee dalka Soomaaliya ka howlgala.

“Ma jirto cid maalgashi dalka ka sameyn karta iyadoo aan fasax ama ogolaansho ka heysan Dowladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin wax kasta oo dhaawacaya Midnimada, Madaxbanaanida iyo Sharafta Shacabka Soomaaliyeed cid kasta oo isku daydana ay ka hor tagi doonaan.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan uga Digayaa Wadamada iyo Shirkadaha Shisheeye in aysan ku Xad gudbi karin Madaxbanaanida iyo Qaranimada Soomaaliya”

Dowladda Soomaaliya ayaa xusay in ay soo dhaweyn doonto cidii sameynaysa wax waafaqsan dastuurka, Shacabka Soomaaliyeedna dani ugu jirto.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo waxaa uu kusoo aaday Xilli uu taagan tahay Khilaaf u dhaxeeya Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isugu tagga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya, kasoo ka dhashay Dekedda Berbera.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 10 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented