allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Shalay iyo Doraad maxaa ka dhacayay dhinacyadeena, yaa noogu maqnaa arrintaa?.

Shalay inta badan Madax & shacab waxaa lagu mashquulay 8 Marso, iyo culeyska wadooyin xiran ka doodidood,qaraab iyo quud raadis.. xalayna jimca ayeey aheed qaad iyo shiishad badan baladka waa lagu rafaadiyay.
Annigu haddan Alla & rasuul ka baqo xalay aniga & asxaabteeydu quraan aqris ayaan ku masquulnay sida caadadu noo aheed Jimcaha, Bun sixin ah & cambuulana waa rafaadinay.

Shalay iyo Doraad maxaa ka dhacayay dhinacyadeena, yaa noogu maqnaa arrintaa?.

Taariikhda 7 /March 2018 Wasiirka Arrinaha Dibadda ee Ethiopia Dr.Workneh Gebeyehu waxa uu Adis kula shiray Wasiirka arrimaha dibadda & Xiriirka Caalamiga ah ee Imaaraadka sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan.

Kana qayb galay shirkii 2aad ee midowga wasaaradaha labada dal : “the 2nd Ethio-UAE joint ministerial commission” kaa oo mar hore sannadkii 2015 lagu asaasay Dubai,mudadaa yarna la kala saxiixday 6 heshiis oo laba geesood ah, inkasta oo labada dalba ay xaq u leeyihiin in ay heshiis laba geesood ah kala saxiixdaan, haddana waxaan sugeeynay labadda Safaaradood ee noo kala jooga Adis & Dubai in ay noola sucdaan wixii saameeyn uu nagu yeelan karo ( laga yaabee in ay noola socdaan, loonama baahno in aan wax badan shaqsiyan ka ogaado bacdamaa aanan aheey shaqaale Dowladeed oo xaq u leh,illa dowladu ay dadweynaha u soo gudbiso, safaaraduhu ha iga raalli noqdeen).

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Ethiopia Dr. Warkneh ayaa shirka ka sheegay in loo baahan yahay in la laba laabo maalgashiga UAE,waxa uu yiri: Hore Imaaraadku waxa ay u maal galiyeen 10.6 Billion Birr ah, & mashaariic shaqeysa oo mira dhal leh oo gaareeysa 135 Mashruuc ,waana ballan qaaden in ay sii kordhiyaan iyo in aan iska kaashano Nabadgalyada Gobalka iyo in dadkeenu ay shaqa ka helaan UAE….. Annaga walaalaheena UAE meeqa Mashruuc oo mira dhal dhaqaale leh ayeey noo maal galiyeen?.(( Dowlada Qadar ogoow iyaduna kama shar yaro imaaraadka))

Labadaan maalmood intii aan mashquulsaneyn waxaa Ethiopia tegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareeykanka Mr. Rex Tillerson lana kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia Dr Gebeyehu. Haye, waxaa la sheegaa kii Ruushkuna waa tagay. Yaah. Yaah aaway wasiirkeenii arrinmaha Dibadu, shirka golaha wasiirada shalay shirkii todobaadlaha ee wasiiradeena ee khamiista ma looga hadlay dhaqdhaqaaqaa socdo?. Sorry, shalay waxa ay aheed 8 maarso firaaqo ma jirin.

Ethiopia oo aan bad laheeyn waxaa ay leedahay ciidan badeed ,9 ka mid ah maraakiibteeda ayaa u soo dhaqaaqay dhinaca Berbera.

Jabuuti & Yaman oo hore shirkadaa DP World ula heshiiyay ayaa ku khasaaray. Cabsi ayaa ku timid wadamada qaar iyada oo laga baqaayo in Jabuti Dekada kala heshiiso Shiinaha, Laakin hadda waxaa la sheegayaa in Singabuur lagala heshiinayo. Cabsida in shiinuhu uu ku fido dekedaha Geeska Afrika ayaa hore u jirtay markii shiinhu ay hore u sahamiyeen Deked U dhaw Magaalada Cadale ee gobalka Sh/ dhexe, daraasad dheer kadibna ay naqshadii diyaariyeen (( Naqshadaa oo aheed Buug aad u weyn oo aan anniguba Arkay iyada oo dhameystiran, ma aqaan Runtii halka ay ku gurtay, beenu waa xaaraane cid aan ku eedeeyo ma aqaan, isgaad gaadkuse waa badan yahay)).

Masuuliyiinteena waajib ayeey ku tahay in ay la socdaan wixii ka dhacaya deriska ,si wixii faa’iida noo ahna aan ula wadaagno deriska, wixii khatar nagu ahna madaxdu naga sii Moosaan.Dowladuna waa ku mahadsan tahay dacwadda ay hor geeysay Jaamacadda Caraabta, Dacwadda ayaan lagu soo koobin shirkad ganacsi.

FG: Akhristoow,waxbaa kar karsamaya geeska Afrika weyna na saameeyn doonaan, iga raalli ahaaw yaana kugu badin, beryahan firaaqadaa igu badane, intaa waa wixii aan is lahaa Akhristayaasha la wadaag maant, xaqiiqda jirto ee aan iska hubiyay. Wixii aan ka khalday iyga sax, wixii ka dhimanna ku dar,arragtidaadu waa muhum.

Qore: Yahya Amir

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Mar 9 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented