allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

SUUQA BAKAARAHA oo maalinta beri xiran

Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa maanta ku dhawaaqay inay shaqada joojinayaan iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga suuqa laga bilaabo maalinta Berri ee Axadda ah.

Qaar ka mida Ganacsatada oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay diidan yihiin canshuurta la saaray ganacsatada gobolka Banaadir oo ay ku tilmaameen cadaalad darro, isla markaana culeys badan ay kala kulmeen dhanka canshuurta.

Ganacsatada wada ololaha oo ah qaar hore uga horjeeday xukuumadda Soomaaliya oo ka hor yimid Rugta Ganacsiga Soomaaliya ayaa ku doodaya inay ka cabanayaan madaxda dowladda, isla markaana ay doonayaan inay codkooda gaarsiiyeen madaxweynaha.

Ganacsatadan oo qeybta diiday inay bixiso canshuurta ayaa hadda ku doodaya inay alaab badan ay kaga baaba’ayso dekadda, ayna taallo muddo ka badan 12 cisho, waxayna sheegeen in haddii canshuurta la sheegayo ay bixiyaan ay khasaare badan la kulmayaan.

Ganacsatadan ayaa sheegay inay isku raaceen inay joojiyaan shaqada, isla markaana ay xiraan Bakhaarada, iyadoo ku baaqay in dhammaan ganacstada ay shaqada joojiyaan.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Feb 17 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented