allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DOWLADDA QADAR oo Gaadiid fara badan ugu deeqday Dowladda Soomaaliya, Daawo Sawirada

Dowladda Qatar ayaa maanta 30 gaadiid oo nooca Landcruiser ugu deeqday dowladda Soomaaliya, iyadoo deeqdan ay tahay tii ugu badneyd ee Gaadiid mar qura dowladda Soomaaliya loogu deeqo.

Gadiidkan ayaa waxaa la wareegay wasaaradda amniga, iyadoo la sheegay in loogu talogalay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaana munaasabad ka dhacday dekedda Muqdisho dowladda Soomaaliya u guddoomay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducale), isagoo ka guddoomay Danjiarah Dowladda Qadar ee Soomaaliya Eng. Xasan Bin Xamza, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa dowladda Qadar uga mahadceliyay dowrka ay ku leedahay Taageerida dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda.

“Waxaa mahad iska leh Alle Subxaanahu watacaalaa, intaasi kadib waxaan rabaa in hortiina aan uga mahadceliyo Dowladda Qadar, safar aan dhawaan ku tegay Dalkaasi Qadar waxaan la kulmay Ra’iisul wasaaraha Dalka Qadar ahna Wasiirka Arrimaha gudaha Sheekh Cabdalla C/naasir, wuxuu balan qaaday inuu taageero Dowladda Soomaaliya, taageeradaasi ayaa bilaabatay, waxaana maanta aan ka guddoonay 30 baabuur nuuca Landcruiser ah, kuwaasi oo loogu talaglay in Ciidanka Booliska”. Ayuu yiri Wasiir Islow.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Feb 17 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented