Cyril Ramaphosa oo loo doortay madaxweynaha Koonfur Afrika

0
1

Barlamaanka dalka Koonfur afrika oo kullan ku yeeshay magaalada Cape Town ayaa Cyril Ramaphosa u doortay inuu noqdo madaxweynaha dalkaasi.
Madaxa cadaaladda ee dalkaasi Mogoeng Mogoeng ayaa ku dhawaaqay in Ramaphosa loo doortay madaxweynaha dalka, iyadoo aysan jirin cid kula loollantay kursiga.

Ramaphosa oo madaxweyne ku xigeen ah ayaa sida uu sharcigu qaba noqonaya madaxweyne ku xigeen marka uu madaxweynuhu xilka baneeyo.

Wuxuu xilkan sii hayn doonaa ilaa iyo inta baarlamaanka dalkaasi uu madaxweyhne cusub ka dooranayo.

Mr Ramaphosa ayaa bedelay madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma oo xalay khudbad uu ka jeediyay telefishenada ka sheegay inuu is casilay.

Cyril Ramaphosa ayaa lagu wadaa in maanta loo dhaariyo xilkaasi, isagoo na khudbad u jeedin doono shacabka Koonfur Afrika maalinta jimcaha.

Cyril Ramaphosa waa siyaasi ganacsade ah, tan iyo bishii disembar na soo hogaaminayay xisbiga ANC.

Waxaa uu xafiiska la wareegayaa iyadoo xisbiga ANC iyo shacabka dalkaasi ay kala qeybsanyihiin, sidookale na dhaqaalaha wadankaasi uu sii liicayo.
Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa wajahaya eedeymo musuqmaasuq.

Taariikh nololeedka Zuma oo kooban

 April 1942: Wuxuu ku dhashay gobolka KwaZulu-Natal, Waxaana soo korisay hooyadii, mana uusan helin waxbarasho rasmi ah

 1959: Wuxuu ku biiray ANC. Wuxuu ka mid noqday garabka milatariga ee ANC 1962

 August 1963: Isagoo 21 sano jir ah ayaa la dhigay xabsiga markii lgu helay dambi ah inuu maleegayay afgmebiga dowladdii midab takoorka waxaana lagu xiray xabsiga caanka ah ee Robben Island halkaas oo uu Nelson Mandela kula xirnaa muddo 10 sano ah.

 March 1990: Ka dib markii uu muddo dibadd ku maqnaa ayuu dib u soo laabtay, waxaana markaasi mamnuucidda laga qaaday xisbiga ANC. Waxaana loo doortay guddoomiye muddo 4 sano ah.

 June 1999: Shan sano ka dib markii uu dhammaaday xukunkii midabtakoorka wuxuu noqoday madaxweyne ku xigeen . Xilkaas ayaa laga qaaday 2005.

 April 2009: Laba isbuuc uun ka dib markii eedeymihii musuqa ee loo haystay daaqadda laga tuuray, Zuma wuxuu noqday madaxweynaha Koonfur Afrika.

 October 2017: Maxkamadda racfaanka ee ugu sarreysay dalkaasi ayaa amartay in Zuma lagu soo oogo 18 dacwadood oo la xiriira musqmaasuq