allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

RA’IISAL WASAARE KHEYRE oo Madax xanuun ka qaaday go’aanka adag ee Ganacsatada iyo Madax adeega Wasiir Beyle, Shirkii maanta oo wax xal ah lagu gaarin, Daawo Sawirada

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wax xal ah u weysan muranka u dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada Sooomaaliyed wax kala soo dega garoonka iyo dekedda Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka cabanaya canshuurta xad dhaafka ah ee Dowladda ku soo rogtay.

Kulanka oo ahaa mid xal loogu raadinayo khilaafka ka dhex taagan wasiirka Maaliyadda iyo Ganacsatada ayaa waxaa Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ku wehliyay wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo xubno kale.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsatada ay ku adkeysteen in laga noqdo canshuurta lagu soo rogay ama dowladdu canshuurta iibka ay ka qaadato suuqyada Muqdisho, waxaana dood dheer kadib la sheegay inaan weli heshiis rasmi ah laga gaarin arrintii canshuurta.

“Aniga iyo R/Wasaare Xassan Cali Kheyre waxaan la kulanay Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ka wadahadalnay bixinta Canshuuraha. Ganacsatadu waxay mudanyihiin Qadarin waana muwaadiniin ka soo qeyb qaadatay dib u dhiska Dalka iyo horumarka lagaaray, Wadashaqayn ayaan dhamman ku hormarikarnaa…” ayuu yiri Wasiir Beyle oo ka hadlay kulanka dhex maray labada dhinac.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Feb 14 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented