ENJ YARIISOW oo ka dhamaan weysan qarash gareynta Xafladaha isaga lagu amaanayo, Daawo Sawirada

0
1

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa weli ku dhex jira xaflado loogu dabaaldegayo xilka loo magacaabay.

Guddoomiye Yariisow ayaa degmada Boondheere ka furay xaflad lagu soo dhoweynayay magacaabiddiisa iyo barnaamij ku saabsan Waxbarashada dadka waaweyn, iyadoo xafladda ay ka muuqatay sawirradiisa iyo hadiyado la gudoonsiiyey.
Kadib markii xilka loo magacaabay muddo ka badan 4 toddobaad ayaa weli waxaa laga dareemayaa guddoomiyaha Gobolka oo hore u ahaa wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya inuu u dabaaldegayo xilka loo magacaabay.

Xafladii xalay ee degmada Boondheere ayuu Duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisow ka sheegay inuu dalku geli doono isbedel dhinaca siyaasadda iyo doorashooyin hal qof iyo hal cod ah loo baahan yahay.