allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MAGACA AHAAN AYAY U JIRAAN XUKUUMADDA IYO BAARLAMAANKA laakiin Talada dalka waxaa la wareegay Golaha amaanka, waana markii labaad oo sidaas dhacda

Golaha Amniga Qaranka oo lagu bedelay Madashii hore ee Wadatashiga Qaran ayaa u muuqda kuwo si tartiib tartiib ula wareegaya howlihii Xukuumadda iyo Baarlamaanka Federaalka oo xilligan fasax ku jira.
War murtiyeedkii habeen hore ka soo baxay shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa muujinaya inuu la wareegay awoodo uu lahaa Baarlamaanka, kaddib markii ay ku heshiiyeen qeybsiga kheyraadka dalka iyo tubta siyaasadda loo dhan yahay ee sanadka 2020, taasoo qeyb ka ah nooc doorasho oo la rabo in dalka la gaarsiiyo.

Madashii Wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa la xusuustaa inay howl-gab ka dhigeen Baarlamaankii 9aad, iyadoo Golaha Amniga Qaranka uu ku socdo wadada Madashii hore.

Golaha Amniga Qaranka ayaa heshiisyo dhowr ah oo ay horay u gaareen la hor-keenin Golaha Shacabka, waxaana heshiisyada qaarkood oo ka mid ah heshiiska dhismaha Ciidamada doodo adag ka keenay Xildhibaanada Golaha shacabka.

Shirarka is daba-jooga ee Golaha Amniga Qaranka lahaayeen bilihii la soo dhaafay ayaa shaki gelinaya inay la wareegayaan awoodihii Xukuumadda iyo Baarlamaanka, waxaana bisha soo socota la filayaa in shir kale ku yeeshaan magaalada Baydhabo.

Madaxda goboleedyada dalka oo qaarkood muddo xileedkoodu uu gabogabo yahay ayaa raadinaya qorshe ay muddo kororsi ku sameynayaan, iyagoo u maraya shirarka Golaha Amniga Qaran.

Golaha shacabka oo ah Hey’addii ugu sareysay ee sharci dejinta ayaa go’aan ka gaarta arrimaha masiiriga ee dalka, iyadoo sharci aanu soo marin ama ansixin aanu dalka ka dhaqan geli karin.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Feb 12 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented