MADAXWEYNE FARMAAJO oo Dhaqaalihii Qaranka u adeegsanaya inuu sumcadiisa ku dhiso, 2017 waa sanadkii ugu dhimashada badnayd Soomaaliya, Ciidamada Sirdoonka 3 bilod Mushaar ma qaadan, welina olole Siyaasadeed ayuu ku jiraa, Sawirada

0
1

Sanad kadib Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu u dabaal degayaa sanad guuradiisa koowaad markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya 8 Fabarayo 2017 markaas oo sumcada uu ku dheh laha bulshada ahayd mid sare hase yeeshe wax walba sanad gudihiisa ayay isku bedeleen.


Xuska loo sameeyay sanadguuradii koowaad Farmaajo ayaa aad loo ilaaliyay hase yeeshe waxaa marna laga fursan waayay in la sameeyo xayeysiimo siyaasadeed oo kor loogu qaadayo sumcada sii dhimanaysa ee Madaxweyne Farmaajo.

Daawooyin lacag la’aan ah, xoolo la siiyay askar iyo joodarayaal la qeybiyay ayaa la doonaya in sumcada Farmaajo kor loogu qaado hase yeeshe dadka ka faalooda arrimaha noocaas ah waxay leeyihiin adeegsiga lacagaha qaranka ayaaba sii dhaawacaysa sumcada Madaxweynaha ooa walba lugo adag ku taagnayn.

Meel fog waxba ha ka raadinin Madaxweyne Farmaajo 3 bilood ciidamada Sirdoonka wax mushaar ah ma qaadan, waxaa intaas ka sii daran laaluushka oo Dowladda Farmaajo ku caan baxday kaba sii daran hal tuulo oo shabaab laga qabsaday ma jirto tan iyo maalintii uu xafiiska la wareegay Madaxweynaha.

Sanadkii Farmaajo xukunka haayay waa sanadkii ugu dhimashada badnayd Soomaaliya, qaraxii 14 Octobar waa midkii ugu dhimashada badnaa geeska africa.

Si kastaba Madaxweynuhu wuxuu ku guuldareystay dhamaan ballan qaadyadii uu sameeyay markii u u ordayay kursiga ilaa iyo hadana wuxuu u muuqda nin olole siyaasadeed ku jira.