allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

SUUQA IIBSIGA DADKA LAGU EEDEEYA SHABAAB OO MUQDISHO ka furmay, Howlgalka Guddoomiye kuxigeenka G/Banaadir hogaaminaya oo si weyn loo cambaareeyay. Daawo Sawirada

Howlgalan oo saqdii dhex ay guryaha dadka ku qaadeen ciidamada NISA ayaa la arkayay iyadoo lagu soo ururiyey boqolaal dad ah oo u badan dhalinyaro oo guryahooda iyagoo hurda loogu galay, waxaana la isugu keenay barxad xaafadeed, halkaasoo uu khudbad uga jeediyey guddoomiye ku xigeenka maamulka G/banaadir Maxamed C/llaahi Maxamed.

Dadka qaar ayaa arrintaasi ku tilmaamay xadgudub iyo wax laga xumaado in dad hurda la soo ururiyo oo la isku sawirro iyadoo habeen saq dhexe loo khudbeynayo, laguna tuntay xuquuqdoodii, halka dadka qaarkiis ay arrintan ku sheegeen mid ka tarjumeysa khibrad yaraanta guddoomiye kuxigeenka cusub oo ah nin dhalinyaro ah.

Qaar ka mid ah dhalinayaradii xalay iyo saaka la soo qabtay ayaa lagu sii daayay lacago ay bixiyan eheladooda halka kuwii aan lacag haysan madax loo gelinayay inay ka tirsan yihiin Shabaab.

Faadumo Cumar ayaa ii shegtay in wiilkeeda ku soo deysay saaka 100 Dollar iyadoo markaasi ka baqaysay in xabsiyada cadaabka ee lala meel dhigay  ee Dowladda Maamusha in la geliyo.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsane ayaa sheegay in hab dhaqanka xalay dhacay ee ciidanka Nabadsugida kula kacayaan shacabka aanu ahayn mid caawinaya wadashaqayn dhexmarta bulshada iyo hay’adaha Nabadgelyadda. “Hadii aad dadkaada xurmad tirto ogow Alshabaab ayaad dad badan u xaraynaysaa, adigoon ogayna ayaad xoojinaysaa. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda dalka in ay sidan wax u dhamaan oo shacabkooda xurmeeyaan..” ayuuna ku yiri farriin uu baraha bulshada soo dhigay.

Hay’adaha xuquuqda insaanka iyo sharci yaqaanada ayaa hore u cambaareeyay howlgallada dadka fara badan mar kaliya lagu soo ururiyo oo dowladihii Sheekh Shariif iyo qeybtii hore ee Xasan Sheekh ku dhaqmi jireen.

Xukumadda Soomaaliya oo mas’uuliyad ka saaran tahay shacabka ayaa dhaqankan soo laabtay isla markaana jiri jiray waqtigii C/llaahi Yuusuf Madaxweynaha ahaa weli ka hadlin.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Feb 7 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented