allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MAXAA KA SOCDA NAIROBI, Daljir, damul Jadiid iyo Xildhibaanada Mucaaradka ah oo shirar uga socda, Xasan Sheekh oo ka mid ah, Daawo Sawrada

Magaalada Nairobi waxaa ka socda kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta mucaaradsan Xukuumadda Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulamadan waxaa ka qeyb qaadanayan Xildhibaanada mucaaradka ah oo u badan, Daljir, damul Jadiid, Aala Sheekh, kuwa madax banaan ee aan ka tirsanayn urur diimeedyada siyaasadeed.

Inta badan kulamada waxaa loogu gogol xaaraya furitaanka Baarlamaanka, waxaana la doonaya halka la wajihi doona fadhiga baarlamaanka marka uu furmo kadib.

Inta badan saadasha waxay u badan tahay in Xukuumadda Soomaaliya kalsooni loo weydiin doona Baarlamaanka, waxayna u badan tahay inay dhacdo ama badbaado labadaas ayay u badan tahay.

Madaxweynihii hore soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka mid ah xubnaha Nairobi kulamada qarsoodiga ah iyo kuwa toos u dhacaya ka qeyb qaadanaya.

Xukuumadda Soomaaliya isha ayay la raacaysa waxaa ka socda Nairobi.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Feb 7 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented