TALIYAHA FARMAAJO oo Dhuumasho ku tagay safaaradda Imaaraadka lana kulmay Safiirka, Daawo Sawirka

0
1

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca amniga kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Cisman Al Hammadi.

Kulanka oo ay shaacisay Wakaalada Wararka Imaaraadka ayaa lagu sheegay in Safiirka Imaaraadka uu la-taliyaha cusub ee Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdi Saciid Ali ugu hambalyeeyay xilka dhowaan loo nagacaabay.

Wakaalada ayaa so xigatay kulanka looga hadlay xiriirka labada dhinac siiba dhinaca ammaanka, wuxuuna la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Imaaraadka uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan ciidamada Soomaaliya iyo xarunta tababarka ee ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Wax faahfaahin ah kale lagama bixin kulankan.