allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

KHEYROW Taabid Cashar ha kuu noqdo, Shalay markii uu imaanayay Muqdisho sida loo soo dhaweeyay iyo maanta markii uu baxay sida loo baah dilay adigana waa ku sugaysaa bilaha nagu soo food leh

Apr 13, 2017 waxay u ahayd maalintii ugu farxad badnayd noloshiisa inta uu siyaasadda soo galay Taabid Cabdi Maxamed, maalintaas waxaa garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay boqolaal dad ah , siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda, waxay ku faraxsanaayan in lo magacabay Duqa muqdisho.

Hase yeeshe 6-2=2018 Taabid Cabdi waxaa uu ka dhoofay garoonka muqdisho isagoo sagootinayan labo haween iyo 3 rag ah, waxay taasi ku tusaysaa sida u qiimo dhacay mudadii ka yareyd sanadka ee uu hoggaaminayay Maamulka Gobolka Banaadir.
Sababta ugu weyn ee Maamulkiisa lo nacay waxay ahayd musuq maasuq iyo inuu dhaqaalihii Gobolka ka dhigay mid isaga jeebka ugu jira.

Labadaas wado waxay tusaale ku filan u tahay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo sida hadda muuqata baalasha laga jafayo, kuna sii socda wadadii uu maray Taabid Cabdi Maxamed.

Kheyre in kastoo afkiisa ku adkeeyo inuu yahay nin la dagaalama musuq maasuqa hadana isaga naftiisa ayaa ku lug howlo musuq maasuq ah.

Dhowr Qandaraas ayuu gacanta u geliyay ganacsato ku heyb ah iyo kuwa kale, lacago ayuu bil walba waxaa uu ka qaata Shirkadda Maamusha Dekedda Muqdisho.

20 Milyan oo ka mid ah lacagtii deeqda ahayd ee ka timid Sacuudiga ayaa la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigtay, mana la haayo wax xisaab xir ah.

Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu qaatay mas’uuliyadda mid ka mid ah dambiyadii dalka laga galay ee la xiriirtay dhiibistii Qalbi Dhagax oo Baarlamaanka ku sheegay inay tahay dambi la galay.

Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu musuq maasuqay Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Dhinaca Caalamka Fadeexadii ugu weynayd ayaa Soomaaliya ka soo wajahday shir ka dhacay Sinagal oo Soomaaliya uga qeyb gashay 3 Wasiir oo hal Wasaarad waxbarasho ka socday iyagoo 3 dowlad Soomaali ah, taas oo jahwareer ku riday ka qeybgalayaashii shirka.

Si kastaba waxaa iska cad marka Baarlamaanka furmo in Xasan Cali Kheyre mari doono wadada kalsooni u qaadista Xukuumadda taas oo xaqiiqdii la aaminsan yahay inuu ku jabi doono.

Hadaba waxaa la is weydiinaya sida Taabid garbihiisa uga baxeen dadkii faraha badnaa maantana isagoo murugaysan ka dhoofay muqdisho in si la mid ah Kheyre isagoo murugaysan bilaha soo socda ka dhoofi doono muqdisho, waana hubaal inay arrintaas dhici doonta.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Feb 6 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented