allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

AMAANKA YARIISOW oo lagu soo kordhiyyay biro waa weyn, Dadweynaha Muqdisho oo ka niyad jabay Maamulka cusub, Daawo Sawirada

Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa bilaabay inuu Biro waaweyn ku xiro goobaha laga soo galo xarunta Maamulka Gobolka Banaadir kadib markii Cabsi dhinaca amaanka ah soo wajahday Guddoomiyaha cusub Maamulkan C/raxmaan Yariisow

Sida ay sheegayan wararka Saaka ayaa la arkay iyadoo Waaxda farsamada ee Dowladda hoose bilowday inay Biro waaweyn ku xirto Kontorolada laga Soo galo Xarunta aqalka Dowladda hoose ee Xamar, taasoo la sheegay inay ka dhalatay markii uu koontarooladda yaala xarunta Gobolka uu ka deyriyey Guddoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir xubnaha hoggaaminaya oo laga soo xulay Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa ah dad aan khibrad u lahayn arrimaha maamulka iyo amaanka, sidoo kalane waxay bilaaban iyagoo muddo joogan xafiiska inay ka welwelaan amaankooda.

Jawaano carro iyo shub ku jireen oo hore loogu jaray wadoyinka ku wareegsan xarunta ayaa hadda lagu kordhiyay Birro waaweyn oo aad u culus kuwaasoo lagu wareejinayo irdaha laga soo galo Xarunta Gobolka Banadir, waxaana maamulka cusub ee Gobolka uu cabsi ka muujiyey xaaladda nabadgelyo ee xarunta Gobolka Banaadir.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Feb 6 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented