allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada Mudullood oo u kala harin soo dhaweynta Yariisow, Daawo Sawirada

Saacado kadib markii saaka lagu dhawaaqay in guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir loo magacaabay wasiirkii hore ee Warfaafinta C/raxmaan Cuma Cusmaan (Yariisow) ayaa waxa galabta ka socda Muqdisho xaflado soo dhoweyn ah.

Xildhibaanno, Waxgarad, odayaal iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa ka qeyb galaya soo dhoweynta guddoomiyaha cusub, iyadoo ay ka dhex muuqdaan odayaashii dhaqanka habeen ka hor sida weyn u difaacayey guddoomiyaha xilka lag qaaday ee Taabit Cabdi Maxamed.

Odayaasha dhaqanka Muqdisho sida imaamka, Ugaaska iyo isimada ayaa ku sugan hotel ku yaala xeebta Liido, halkaasoo uu isna ku sugan yahay guddoomiyaha la magacaabay ee C/raxmaan Yariisow.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 21 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented