allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

SHAQAALIHII XAFIISYADA FARMAAJO IYO KHEYRE oo loo magacabay Guddoomiye kuxigeenada Gobolka Banaadir

Laba ka mida wiilashii xogheyta u ahaa madaxda sare ee dalka ayaa ku soo baxay magacaabidda maamulka cusub ee Gobolka Banaadir, iyadoo loo magacaabay xilal sare.

Wareegtada Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu magacaabay maamulka cusub ee G/Banaadir ayaa waxaa kasoo muuqday laba dhalinyarro ah oo ka tirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Xogheynta Madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Maxamed C/llaahi Maxamed (Maxamed Tuulah) oo ka mida hab-mamauuska Madaxweynaha aan ka harin ayaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga iyo Siyaasadda, wuxuuna ka qeyb qaatay ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale Cumar C/risaaq Xuseen oo ahaa Xogheynta Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa isna loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, iyadoo loo eegay awood qeybsiga xilkaasi oo ay hore u heysay Zubeyda Mukhtaar oo markii ugu horeysay beeshani ay xilkan sare ku yeelatay G/banaadir.

Maxamed Tuulah iyo Cumar C/risaaq labadaba ka mid ahaa dhalinyarradii ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo kasoo qeyb qaatay. Dad badan ayaa aamisan in labada xil ee dhalinyarrada loo magacaabay ay kasoo bixi karaan.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 21 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented