allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

TAABID oo rafashadii ka dhamaatay, Odayaal uu soo abaabulay oo Muqdisho ka soo saaray war aan ka turjumin rabitaanka dadka muqdisho, Daawo Video

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Beesha Mudullood ayaa taageero u muujiyay ninka xaalada ku xun tahay ee Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed kaas oo wada shaqeyntii uu la lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha guud ahaan burburay.

Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa weli waxaa u furan qasnadii dhaqaalaha Gobolka Banaadir isagoo lacagtaas u adeegsanaya difaaca kursigiisa.

Nabadoon C/llaahi Geeddi Shadoor ayaa hadal kooban oo goobtaas ka sheegay wuxuu ku yiri Taabid iyo ragga Villada jooga waa wada yimaadan ama waa wada joogayan ama waa wada baxayan, hadalkaas oo loo arkay inuu hanjabaad toos ah ku yahay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Odayaasha bayaan ay soo saareen waxay ku yiraahdan dastuurka ayaa ogol in dadka soomaaliyed wada tashadan, waxay kaloo soo dhaweeyan bayaankii Madaxweynaha ee hantiada qaranka lagu ilaalinayay kaas oo si toos ah ugu socday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 20 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented