allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MUQDISHO oo saaka Xasiloon cirka soo dumaadii Taabid iyo odayaashii xalay qaylinayay oo Beenowday

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa degan saaka kadib markii xalay taageerayaasha Guddoomiyaha Xaalada ku xun tahay Taabid Cabdi Magaalada soo geliyan warar been abuur ah oo sheegaya in kacdoon shacab dhici doono haddii Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre isku deeyo in xilka ka qaado Taabid.
Odayaal uu soo ururiyay xilli dambe xalay Guddoomiye Taabid ayaa u hanjabay Madaxda Dowladda waxaana haatan muuqata inaysan jirin cid taageersan hadalka odayaashaas.

Dadweynaha Magaalada Muqdisho waxay isha ku haayan xil ka qaadis lagu sameeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi oo hoggaamiye ka noqday Maamulkii ugu musuq maasuqa badnaa ee taariikhda soo maray Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha uma baahna xilligan inay waqti ku lumiyaan dhageysiga dad aan markii horeba magacabista Taabid lagala tashan sidaas darteed waxaa haboon in lagu dhawaaqo xil ka qaadistiisa.

Taabid ayaa saaka bilaabay in hal qoraal oo lacag lagu bixiyay loo qeybiyo Madia-ha magaalada Muqdisho iyadoo dhamaan qoraaladaas lagu weerarayay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre.

In is bedel lagu sameeyo dhamaan maamulkii Taabid waxay horseedi doonta in amaanka magaalada Muqdisho soo wanaagsanaado maadama Taabid inta badan waqti ku bixinayay inuu sumcadiisa dhiso halkii uu wax ka qaban lahaa.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 20 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented